Somali News

Madaxweyne Deni oo magacaabay Hanti-dhowraha guud ee Puntland

Garoowe-KNN-Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu Magacaabay Hanti-dhowraha Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland , kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulkaas.

Halkan hoose ka Akhriso Magacyada Xubnaha la magacaabay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Horumarinta Hanaanka Maamul ee 
Maaliyadda iyo Isla xisaabtanka

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland

2. Waxaa Maxamed Faarax Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland

3. Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Maxjarka

4. Waxaa Faysal Cabdullaahi Warsame loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.

5. Waxaa Cumar Saalax Aadan loo magaacabay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland

6. Waxaa Keenadiid Cali Jaamac loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda

7. Waxaa Abshir Maxamed Abshir loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, Waana saxiixay.