Somali News

Madaxweyne Deni oo magacaabay taliyeyaal cusub

Madaxweynaha Dowladda Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr. 05, ku magacaabay Taliye Qaybeedyadda Gobollada Sanaag iyo Karkaar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dargelinta hawlaha Amniga ee gobolada Sanaag iyo Karkaar

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag.
  2. Waxaa G/sare Faarax Nuur Maxamed loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD