Somali News

Madaxweyne Deni oo markii ugu horeeyay Shir gudoominaya Golaha Wasiirada Puntland

Garoowe-KNN-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta o Khamiis ah shir guddoomiyey kulankiisii ugu horeeyay ee Golaha Wasiirada Puntland.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, sida waxaa la sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.