Somali News

Madaxweyne Deni oo si kulul uga hadlay shirka ka socda Muqdisho

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay, arrimaha keenay in Puntland ay ka qeyb-geli waydo, Shirka Somali Partnership Forum ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in aan Puntland laga tala-gelin shirkaasi, balse ay baraha bulshada ka aragtay ajandihiisa iyo war-murtiyeedkii ka soo bixi doona oo sii diyaarsan,sidaasi darteedna ay go’aansatay in aysan ka qeyb-gelin, maadaama aanay wax talo ah ku lahayn.

Mudane Deni, waxaa uu sheegay in dawrka keliyah ee Puntland laga siiyay shirkaasi uu ahaa, in ay mudda 5 daqiiqo ah ra’yigooda ka dhiibtan sida ay u arkaan khudbadaha shirka laga akhriyay, isagoo xusay in taasi ay tahay, mid lagu qiima dilayo dowladda Puntland, islamarkaana aysan wax la qaadan karo ahayn.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu xalay la qaatay bulshada magaalada Boosaaso, isagoo halkaasi ka shaaciyay in Puntland ay diyaar u tahay, in ay wada-hadal furan oo telefishinada laga daawado la gasho Villa Somalia, si loo arko labada dhinac kan qaldan, loona xalliyo khilaafka jira.