Qardho-KNN-Maadaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta waxa uu ka hadlay deegaannada ay isku hayaan lahaanshihiisa Soomaaliland.
Madaxweyne Deni ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliland uu ugu baaqayo in si nabad ah ay uga baxaan, deeggaannada ay ka haystaan Puntland.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka hor sheegay,mar uu la hadlayay ciidamo uu tababar ugu soo xirayay xerada Xergoble oo ku taalla duleedka magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu khudbaddiisa ku amaanay ciidamada maanta uu tababar u soo xira, kuwaas oo gaarayay ilaa 300 oo Askari, isla markaasina dhammeystay tababarkii mudada uga socday xerada Xergoble.
Waxa uu xusay in maamulka Puntland uu diyaar u yahay in uu xuquuqdooda siiyo Askartaan, iyagana looga baahan yahay in ay badbaadiyaan ummadda reer Puntland iyo deegaannadooda.


