Muqdisho-KNN-Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho,isagoona ku sii jeeda dalka Itoobiya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo Shir ay isugu imaanayaan Madaxda Wadamada ku midoobey Urur Goboleedka IGAD.
Sidoo kale Shirka waxaa ka qeyb galaya Hogaamiyaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ,maadaama Eritrea ay Urur Goboleedka IGAD ka baxday Sanadkii 2007-dii,kadib markii Ciidamo ka tirsan Itoobiya ay soo galeen Soomaaliya , taasina ay keentay dowlada Eritrea ay arintaasi ka soo horjeesato.
Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa Is bedellada siyaasadeed ee xiligan ka jira Gobolka iyo in la ansixiyo xubinimada ay Urur gobaleedka ku leedahay dowlada Eritrea.