Uncategorized

Madaxweyne Farmaajo Bisha Ramadaan ugu Hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho-KNN-Maxamed C/laahi  Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Barakeysan ee Ramadaan oo xalay curatay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Muslimiinta ee jooga dalka iyo dibadda ugu hambalyeeyay Bishan Ramadaan, isaga oo sheegay in bishan ay tahay mid barakeysan, loona baahan yahay in laga faa’ideysto.

“Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadda, waxaan leeyahay Ramadaan kariim, bishani waa Bil kheyreysan, waa Bil Barakeysan, oo ay samadu furan tahay, oo loo baahan yahay inaan Alle u noqono, aana ku duceysano inuu Alle naga dulqaado gaajada iyo colaada.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.