Uncategorized

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qadar oo islameel dhigay arimo dhowr ah

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dowlada fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga magaalada Dooxa ee dalka Qadar ayaa la kulmay Amiirka dalkaasi  Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.

Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka warbixiyay kulankaasi oo ay yeesheen Madaxweynaha iyo Amiirka wuxuuna sheegay in madaxda ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada caafimaadka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga.

“Waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dowladood dhammaantood waa la isku afgartay, haddii Alle idmana fulintooda ayaa bilaabaneysa dhawaan. Sanadkii hore heshiisyo ayaan galnay sida jidad, mashaariic waxbarasho iyo kuwa shaqo abuur ah. Intiiba way socdaan. Waxaan rajeynaynaa Insha Allaah shaqooyinka noo yaalla in sida ugu dhakhsiyaha badan iyo waqtiga loogu talagalay aan ku fulinno.” Ayuu yiri Wasiir Jamaal Maxamed Xasan.

Sidoo kale  Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirrada dhiggooda ah, iyaga oo ka wada hadlay sidii ay wada shaqeyn iyo aqoon isweydaarsi joogta u yeelan lahaayeen.

Waxaana xubnahaan ku sugan magaalada Dooxa ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhamaan go`aamidii leysla gaaray ay fuli doonaan dhawaan.