Somali News

Madaxweyne Farmaajo iyo Antonio Guterres oo Qadka taleefoonka ku wadahadlay.

Muqdisho-KNN-Afhayeenka labaad ee QM Farhan Haq, ayaa sheegay in xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres, uu kalsooni buuxdo ku qabay Mr Haysom, uuna aad uga xunyahay go’aanka ay dowlada Soomaaliya ku ceyriday.

Farhan Haq, waxaa uu sheegay in Mr Guterres, uu madaxwaynaha Soomaaliya la hadlay labo jeer si uu uga dhaadhac siiyo in Haysom uu shaqadiisa dib ugu laabto lkn madaxwaynaha Soomaaliya Mohamed Abdullah Farmajo uu dalabkaasi kadiiday.

Shaqa ka cayrinta Haysom ayaa ka salka ku haysa kadib markii uu su’aal ka keenay xarigii ay dowlada Somalia u geesatay mukhtar robow abuu mansuur oo waqti ahaan jiray hogaamiye ku xigeenka al-shabaab iyadoona waqtigii ay dowlada Somalia xiraysay uu ahaa musharax u taagan xilka madaxtinomo ee maamulka koonfur galbeed.

Nichalos Haysom wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya ayaa xafiiska QM ee Soomaaliya baneenaya in kayar afar bilood uu ka shaqeenayay.