Uncategorized

Madaxweyne Farmaajo iyo Jawaari oo goor dhow hadlay

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Gudoomihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo iska casilay afhayeenkii baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow shir jaraa`id ku qabtay madaxtooyada Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay berri uu faafaahin ka bixin doono iscasilaadiisa marka uu hor yimaada mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa kaloo uu uu sheegay in xildhibaanada uu u cilindoono amaanadii ay u dhiibeyn.

Jawaari ayaa mahadcilin u diray shacabka Soomaaliyeed kana raali giliyay jahwareerkii siyaasadeed ee muddada todobaadyada ah taagnay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo oo isna hadlay ayaa uga mahad celiyay go’aanka uu qaatay Jawaari, waxaana uu sheegay inuu yahay nin oday ah oo muddo 50 sano u soo shaqeeyay dalka  wuxuuna ka dalbaday in halkii uu ka sii wado dadaalkii kana qeyb qaato, qabyo tirka dastuurka, maadaama uu yahay khabiir dhanka sharciga.