Uncategorized

Madaxweyne Farmaajo iyo R/W Kheyre oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid danjire C/raxiin Caabi

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday  Allaha u naxariistee Danjire Cabdirixiin Caabi Faarax oo ku geeriyooday dalka Mareekanka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu naxariis iyo janno siiyo Marxuumka, samir iyo iimaanna uu ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.

“Inaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun, Waxaan uga tacsiyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed geerida Danjire Cabdirixiin Caabi Faarax  oo ku geeriyoday Mareekanka, ilaahay ha u naxariisto marxuumka, samir iyo iimaanna ha ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.”

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Tacsi u diray Dawladda Soomaaliyeed, eheladii iyo qoysaskii uu ka geeriyooday Safiirkii hore ee Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Marxuum Cabdiraxiin Caabi Faarax, oo ku geeriyooday magaalada New York.

“Ilaahay ha u naxariisto marxuumka, Qaranka Soomaaliyeed, Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan Rabbi haka siiyo. Amb. Cabdiraxiin Caabi Faarax waxuu ahaa halyeey Soomaaliyeed oo in badan ka soo shaqeeyay arrimaha xal u raadinta Soomaaliya, Isagoo ku dedaali jiray in ay mar kale dawladnimadii Soomaaliya dib u soo laabato.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Marxuum Cabdiraxmaan Caabi waxaa lagu xasuustaa kaalintii diblomaasiyadeed uu ka ciyaaray sidii Soomaaliya ay u samaysan lahayd saaxiibo badan oo saameyn ku dhex leh Qaramada Midoobay iyo caalamkaba.