Somali News

Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Mareykanka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha maamul gobaleedyada kala ah HirShabelle iyo Koofur Galbeed ay kulan gaar garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula qaateen safiirka dowladda Markeynka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto, kadib markii ay ka soo laabteen shirkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Kulmiye in kulankan uu ahaa mid aad u adag, islamarkaana waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb iyo arrimaha doorashooyinka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka sidoo kale lagu falan qeeyay sababtii ay maamulada Jubbaland iyo Puntland uga qeyb geli waayeen shirka.

Balse Mareykanka ayaa sheegay in ay door fiican ka qaadan doonaan sidii ay ula kulmi lahaayeen maamul gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland, si loo dhameystiro heshiiska Dhuusamareeb 3..

Xogta ayaa intaasi ku daraysa in madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga codsaday inuu casuumaad u sameeyo madaxda maamul goboleedyada ee Puntland iyo Jubbaland.

Ilo wareedyada ayaa sidoo kale noo sheegay in safiirka Mareykanka laga dalbaday in xisbiyada mucaaradka ka dhaadhiciyo natiijada ka soo baxday shirka, isagoona safiirka ku dooday in sidan aan doorasho lagu aadi karin, inta ay maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland, waxaa uuna sidoo kale hadalkiisa intaasi uu ku daray in loo baahan yahay in xisbiyada mucaaradka ay ku qanciyaan heshiiska.

Dadka falanqeeya arimaha siyaasada soomaaliya ayaa sheegaya in suurgal tahay in mar kale la qabto shir weyn, kaasi oo dhameystir u ah shirka Dhuusamareeb 3, inkastoo ay wax badsn iska badeli karaan heshiiska Dhuusamareeb, maadaama aysan wax ka saxiixin maamulada Puntland iyo Jubbaland