Uncategorized

Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru kenyaata oo maanta ku kulmaya magaalada Nairobi

Muqdisho-KNN-Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho iyagoona gaaray magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ka mid yihiin Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Saraakiil Ciidan kuwaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maaanta la kulmi doono Dhigiisa Kenya Uhuru Kenyaata, iyagoona ka wada hadli doona arrimo quseeya Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in Booqashada Madaxweynaha ay qaadan doonto Hal maalin.