Somali News

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayay oo lagu soo dhaweeyay M/Brussels

Muqdisho-KNN-Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgiumka ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Kuwaas oo halkaas u gaaray ka qeyb galka iyo guddoominta shirka horumarinta Soomaaliya oo berri ka furmaya magaalada Brussels islamarkaana socon doonana muddo laba maalmood ah.

Wafdiga uu madaxweynaha uu hogaaminaya ayaa waxaa si heer sara ah loogu soo dhaweeyay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgiumka, soo dhaweyntaas oo ay ka qeyb qaateen mas`uuliyiin kala duwan oo ugu horeeyo danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub, ayaa waxaa ka qeyb qaatay mas’uuliyiin kale iyo dad weyne farabadan.

Shirka berri ka furmaya Brussels ee xarunta dalka Belgiumka ayaa waxaa uu daba socdaa shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka  iyo horumarinta guud ee dalka, iyadoona Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku soo bandhigi doonto arrimihii ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal.