Somali News

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo goor dhow gaaray magaalada Addis-Ababa

Addis-Ababa-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminaya ayaa goor dhow gaaray magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa si heer sara ah loogu soo dhaweeyay magaalada Addis-Ababa, waxaana loo gudbiyay Qasriga madaxtooyada dalkaasi.

Magaalada Addis-Ababa ayaa waxaa ka furmi doono shir ay yeelanayaan Madaxda wadamada ka tirsan Urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo maalmo ka hor shirkaan si deg deg ah ku iclaamiyay.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa arimo ku aadan xaalada siyaasadeed ee wadanka Koofurta Suudaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Addis-Ababa wuxuu si gooni gooni ah ula kulmi doonaan madaxda kale ee ka soo qeyb gali doono shirka IGAD.