Somali News

Madaxweyne Farmaajo iyo xildhibaanada Galmudug oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay  ku maamuusay Xildhibaannada iyo Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug xarunta amdaxtooyada Somaaliya..

Kulanka  ayaa waxaa ka  qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal, Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Barlamaanka Galmudug Mudane Cabdullaahi Xirsi Maxamed, Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Cabdi Cali iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed.

Masuuliyiinta ayaa ka wahadlay arimaha doorashooyin ka iyo dhibaatooyin ka xiligan ka jira deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa guddoonka iyo xildhibaanada Galmudug ugu mahadceliyay dadaalada ay wadaan oo ku aadan horumarinta deegaanada maamulkaasi iyo arrimaha doorashooyinka.