Uncategorized

Madaxweyne Farmaajo muxuu ka qabanaya Gaashaandhigga ?

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay dib ugu laabtay Xafiiskiisa ku yaala dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee degmaa Deyniile kadib markii uu ka soo dhamaaday mashquulkii ka dhashay Mooshinkii Guddoomiye Jawaari.

Madaxweynaha markii uu ku laabtay Gaashaandhigga waxa uu kormeer ku tagay Kulyada Jaalle Siyaad oo u dhaw Dhismaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya waxa uuna la hadlay Ciidamo ka tirsan Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo halkaasi ku sugan.

Muxuu ka qabanyaa Gaashaandhigga?

Madaxweynaha Soomaaliya Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu faah faahin uga bixiyay sababaha uu udagay Gaashaan dhigga waxa uuna sheegay in ay tahay u kuur gelid Baahiyaha heesta Ciidamada Milatariga Soomaaliya laguna sameeyo daraasad ku saabsan tiradooda iyo tayadooda kadibna la xaliyo meelaha ay caqabadaha ka wajahayaan Difaaca soomaaliya.

Daraasadii lagu sameeyay Ciidamada

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu u jeediyay Ciidamada Dowladda oo ay goob joog ka aheyd Saxaafadda ayuu ku sheegay in daraasadii lagu sameeyay Caqabadaha heesta Ciidamada lagu ogaaday in Dalka uu leeyahay Ciidamo tayo leh, Daacad ah, ayna ka go’antahay difaaca dalkooda balse ay heysato maamul xumi iyo dhiiri gelin la’aan sidoo kale ay ku jiraan Ciidamo aan badneen oo aan heysan hubkii ay ugu tala gashay Dowladda Soomaaliya isagoo u balan qaaday in arimahaas si deg deg ah wax looga qaban doono.

Madaxweynaha ayaa dib ugu soo laabtay Madaxtooyada Soomaaliya markii uu go’aankaas ku dhawaaqay la tashiyo iyo dadaalo xoog leh oo la sameeyay kadib ayuu mar kale u guuray Wasaaradda Gaashaan dhigga ka hor khilaafkii ka dhashay mooshinkii Guddoomiye Jawaari waxa uuna halkaasi ku qaatay habeeno badan oo dhafar ah isagoo ku howlanaa xalinta dhinaatooyin Ciidamada Difaaca Soomaaliya.

Maxaa laga qabtay maamul xumadii Ciidamada heysatay ?

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dib u eegis ku sameeyay hogaanada Ciidamada waxa uuna badalay saraakiil badan oo muddo Taliyaal u soo ahaa Ciidamada Milatariga Soomaaliya isagoo shaqa geliyay Saraakiil dhalinyaro ah oo dhawaan ku soo biiray Ciidamada Soomaaliya.

Dhalinyarada hogaamada loo dhiibay oo ah Saraakiil leh aqoon maadi ah iyo Tababar casri ah ayaa lagu amray in ay la yimaadaan qorshe wax looga qabto amaanka dalka loogana guuleesto Al-shabaab waxaana la faray in ay qaadaan wadiiqooyin qaran oo loo jeexay, Madaxweynaha ayaa la sheegay in Taliyaasha uu u fur furay xiriirkiisa si looga war haayo Ciidamada difaaca Soomaaliya oo muddo dheer dhibaato heysatay.

Maxaa loo badalay Taliyaashii Ciidamada ?

Taliyaashii laga qaaday hogaanada Ciidamada ma wada xumeen ee waxaa ku jiray Taliyaal shaqo wanaagsan soo qabtay balse daruufaha dalka ka jira uu sameeyay, sidoo kale qaar ka mid ah Taliyaashii la badalay ayaa loo dhiibay shaqooyin kale oo muhiim ah, halka kuwa kale la sheegay in ay gaboobeen ama da’da ka daba timid waxayna arimahaas oo dhan sababeyn in isbadal lagu sameeyo Taliyaasha Ciidamada milatariga Soomaaliya.

Maxey soo kordhiyeen Taliyaasha Cusub?

Waxbadan kama soo wareegan isbadalkii la sameeyay balse waxaa muuqanayo rajo wanaagsan oo ay qabaan Ciidamada Difaaca Soomaaliya, Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda ayaa kuu sheegaya inuu jiro iska war qab iyo xiriir toos oo ay la leeyihiin hogaanada Cusub laguna wargeliyay la xisaabtan iyo shaqo joogto ah, sidoo kale  waxaa loo sheegay in ay heli doonaan xaquuqdooda bil walba.

Farmaajo muxuu ka damacsan yahay Ciidamada ?  

Markii uu waday Olalahiisa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxyaabihii uu balan qaaday waxaa ugu weynaa uguna muhiimsanaa dhismaha Ciidamo tayo leh oo la wareega difaaca iyo amniga Soomaaliya si looga maarmo Howlgalka AMISOM oo ay ku baxdo Maaliyiin doolaar waqti badana soo Caawiyay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa raadinaya inuu ka tago muddo xileedkiisa dalka oo leh Ciidamo difaaca Bad,Barri iyo Cirka gaar ahaan Ciidamada Difaaca Soomaaliya oo ah kuwa ugu muhiimsan maadaama dagaal culus lagula jiro Al-shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay inuu dalka si deg deg ah uga saaro doono Al-shabaab waxaana arintaasi ka horeyso in la helo Ciidamo Milatari oo Awood leh.

Dib ugu laabashada Madaxweynaha Soomaaliya ee xafiiskiisa Gaashaandhigga ayaa laga dhowrayaa isbadal kale iyo in la sameeyo Howlgal Al-shabaab looga saarayo Soomaaliya sida ay sheegeen Saraakiisha amaanka iyo dadka ka agdhaw Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

W/D/ Xuseen Cabdulle Maxamed