Gaalkacyo-KNN-Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha soomaaliya ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug asaga iyo xubnihii lasocday.
Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug sida Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf , Wasiiro, iyo Xildhibaano.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo laqaato waxgaradka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dhan kale Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa gaaray wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada fedralka soomaaliya.
Mas`uuliyiintaas ayaa waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Wehliye, Senator Jawaahir Axmed, Ahmed Macalin Fiqi, Abdixakiin Macalin, waxaana lagu soo dhaweeyay magaalada dhuusamareeb ee G/Galgaduud.