Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo cambaareeyay Qaraxyadii ka dhacay Zimbabwe iyo Itoobiya

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa qoraalo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka wuxuu ku cambaareeyay Qaraxyadii kala duwnay ee ka kala dhacay wadamada Itoobiya iyo Zimbaabwe.

“Waxan si adag u cambaareynayaa qaraxii lagula beegsday dadkii kasoo qeyb galay isu soo bixii lagu taageerayay RW Itoobiya Dr. Abiy Axmed. Horumarka Ethiopia iyo midka gobolka ma aha mid lagu hor istaagi karo argagixin iyo fowdo”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo qoraal lagu soo qoray barta Twitter-ka.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, isagoo u muujiyay garab-istaag, kana tacsiyadeeyay dadkii dhibanayaasha ahaa ee waxyeelada ka soo gaartay qaraxaas.

Dhanka kale madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale cambaareeyay qaraxii ka dhacay dalka Zimbabwe oo ka dhacay meel aan ka fogeyn maqaayad uu ku jiray madaxweynaha dalkaasi.

Sikastaba ha`ahaatee Maxamed C/laahi Farmaajo madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxyadaas ay ahaayeen kuwoo si micno dara ah dad rayid ah loogu wax yeeleeyay.