Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo dalka Koonfur Afrika kula kulmaya Jaaliyadda Somaliyed

Koonfur Afrika-KNN-Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo galinkii danbe ee shalay gaaray dalka Koonfur Afrika ayaa halkaasi uga qeyb gali doona caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.

Madaxweynaha oo sida la sheegay mudo labo cisho ah ku sii sugnaa doona dalkaas ayaa kulamo is xogwareysiya la qaadan doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdi Nuur, ayaa sheegay in u jeedka safarka Madaxweynaha uu ku saabsanyahay ka qayb galka Xafladda caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Afrika, isgoo xaqiijiyay in ay jiri doonaan kulamo uu la qaadan doono Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Dalka Koonfur Afrika ayaa kaalinta hore uga jira dalalka la gu dhibaateeyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana ku nool dad Soomaaliyeed oo ganacsato u badan.