Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo Eedeyn u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka.

Muqdisho-KNN-Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ka qeyb galay shir looga hadlay kalinta culimada ay ku leeyihiin Amniga iyo Dib u heshiisiinta dalka oo lagu qabtay Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  sheegay in siyaasiyiinta iyo madaxda kale ee dowladda ku dacweynaya Beesha Caalamka ay yihiin kuwa doonaya in ay dumiyaan dowladda uu isaga Hoggaamiyo.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu sheegay in Mucaaradnimada ay wanaagsan tahay, Balse aysan habooneen in Beesha Caalamka la isku dacweeyo, taasi ayuu ku tilmaamay in ay tahay dowlad dumin iyo faragelin shisheeye.

Halkan ka Dhageyso Codka.