Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada New York

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada New york ee dalka Mareykanka,halkasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada New york kaga qeybgalaya meertada 74-aad ee Golaha guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa,kaasi oo looga hadlayo arrimo badan oo quseeya Caalamka,waana shirkii sanad laha ahaa.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi uga warbixindoona arrimaha Soomaaliya,iyo guud ahaan horumarka ay ku talaabsanayso Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu kulamo gooni gooni ah uu la yeelan doonaa madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi,si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka Soomaaliyauu kala dhexeeyo dowladaha kale ee dunida oo hoggaamiyaashooda shirkaasi ka qeybgalaya.