Beladweyn-KNN-Madaxweynaha dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaas oo ay ka taagantahay xaalad Bini`aadamnimo oo aad u adag, kadib markii uu fatahay Wabiga Shabeelle ee mara magaaladaasi.
Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Berladweyne ee Fatahaada la daala dhacaya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeeri doono xaalada dhabta ee ka jirta daafaha magaalada Beladweyne oo ay ku daadsan yihiin kumanaan ruux oo ka baracay fatahaada Wabiga uu sameeyay.
Dowlada ayaa horay guddi qiimeya inta ay la egtahay fatahaada iyo saameynta ka dhalatay u saartay kuwaas oo sidoo kale deeq ay dowlada ugu talagashay dadka barakacay gaarsiin doono dadkaasi.