Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 15-ka May, oo ku beegan aasaaskii gobonimo doonka ee Ururka SYL.
Sanadkii 1943 ayey aheed markii la aasaasay Ururkii SYL ee xiligaas ka dhiidhinayay dhibaatada Gumeystaha uu ku hayay umadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ku dhiirigeliyey Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarinta iyo xasilinta dalkooda.
” Hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed oo maanta xusaya sannad guuradii 75-aad ee aasaaskii Ururkii gobonnimo doonka ee SYL. Soomaaliya waxa halkan soo gaarsiiyay waa dadaal dhallinyaro, mana jirto maalin uu dalkeenna idinkaga baahi badanyahay, Gacmaha isqabsada.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u istaagaan dalkooda oo ay badbaadiyaan mustaqbalkooda iyo midka jiilka soosocda.