Koonfur Afrika-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo qudbadd u jeedinayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ayaa ka hadlay fara galinta la sheego in dalalka shisheeye ay ku hayaan Soomaaliya.
Madaxweynaha oo Koonfur Afrika u tagay ka qeyb galka xafladda caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Afrika ayaa gaban gabadii safarkiisa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan dalkaasi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa nuqul ka mid ah qudbaddiisa kaga hadlay faragalin la sheego in dalalka caalamka qaar ay ku hayaan Soomaaliya, waxa uu sheegay in dalkaan iyo dadkiisa aysan cidna wax yeeli Karin inta uu jiro damiir Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ku baraarujiyay dadkii dhageysanayay qudbadiisa in aysan is dhiibin oo hal meel looga soo wada jeesto hadii ay jitraan dad Soomaaliyeed oo shisheeyaha wax la wadana ay wada jir iskaga qabtaan, hadii ay yihiin madaxda Qaranka ayuu sheegay in aysan marnaba suurta gal ka aheyn in ay aqbalaan wax aysan raali ka aheyn oo wax u dhimaya dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aadaya iyadoo maalin ka hor Webset-ka Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Itoobiya lagu daabacay Qariiradda Afrika oo ay ku xusantahay dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya oo laga reebay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland oo hal Qariirad is kula jira.
Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo:-