Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Salaadda Janaasada ee Marxuum Maxamed Qanyare

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo mas’uuliyiin kale, ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Qanyare Afrax, oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada.

Sidoo kale, waxa ay samir iyo iimaan u rajeeyeen Qoyskiisa iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Janaasada Marxuum Marxuum Maxamed Qanyare Afrax, waxaasidoo kale ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada Labada Gole, masuuliyiin heer Gobol ah iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka.