Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 5-aad ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ka dhacay Xarunta dugsiga Tababarka Booliska ee Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Madax ka socota baarlamaanada dowlad goboleedyada, Wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay xafladda furitaanka Golaha shacabka.
Madaxweynaha soomaaliya oo khudbad ka jeediyay kalfadhiga Golaha shacabka ayaa waxaa uu kaga hadlay arimo ay ka mid yihiin amaanka, dhaqaalaha, dastuurka, dib u heshiisiinta qaranka iyo la dagaalanka A-Shabaab.
Waxaa uu sheegay madaxweynaha soomaaliya in dowladdiisa ay wax ka qabatay amaanka dalka, islamarkaana xilligan la gaaray guulo wanaagsan, isagoona sheegay in dhaqaalaha ay horumar ka sameeyeen.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu soo hadal qaaday wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland, isagoona sheegay in dowladdiisa ay ka go’antay in dib loo bilaabo wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Ugu dambeeyn Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu xildhibaanada Golaha shacabka ka dalbaday in ay meel mariyaan sharciyada xilligan horyaala.




