Uncategorized

Madaxweyne Farmaajo oo ku laabtay xafiiskii Wasaarada Gaashaandhiga

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigga ee uu ku shaqeynayay muddadii ugu dambeeysay.

Madaxweynaha oo horay loo shaaciyey in uu shaqadiisa u wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa todobaadyadii ugu danbeeyey dib ugu soo laabtay Xarunta Madaxtooyada, si uu u soo afjaro khilaafkii ka taagnaa Golaha Shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale maalinta shalay ahayd ka soo laabtay dalka Boqortooyada oo uu kaga qeyb galayey shirka Jaamacadda Carabta, tallaabada uu isla maanta ugu laabtay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa muujineyso culeyska uu saarayo howlaha dib u habeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa horey muddo bil ah ku shaqeynayay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeynaysa in dagaal saf ballaar ah lagaga saaro dalka ee Alshabaab.