Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Dhuusamareeb.

Muqdisho-KNN-Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud.

Qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa guud ahaan Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo xaqiijinayo amniga Magaaladaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu soo xiro shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Maamulka galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud.