Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Itoobiya

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta oo Talaado ah ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo oo lagu sheegay mid deg-deg ah ayaa ku saabsan arrimaha ka soo cusboonaaday Gobolka Geeska Afrika, iyadoo uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Loolanka Istiraatiijiyadeed ee Gobolka ayaa soo xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay, waxaana socday qorshayaal uu waday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ahaa Iskaashi iyo Is dhex gal dalalka Gobolka Geeska Afrika.

Kenya oo xilligan Xiisad diblonaasiyadeed kala dhaxeysa Soomaaliya ayaa durba ku soo baraarugtay is bedelka ka socda Gobolka iyo Isbaheysiga ka dhex sameysmay Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya.