Uncategorized

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Sacuudiga

Muqdisho-KNN-Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Waxaa maanta ka duulaya Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo isagoona ku sii jeeda dalka Sacuudiga  areebiya si halkaasi uu uga qeyb galo Shirka 29aad ee ururka Jaamacada Carabta.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa sidii xal waara looga gaari lahaa Magaalada qudus ee dhulka falastiiniyiinta oo uu Maraykanka u aqoonsaday caasiamda israa`iil, qaraarkii dowlada Soomaliya looga mamnuucay shirkada DP WORLD iyo dacwada Jabuuti ay ka gudbisay isla shirkada DP world.

Magaalada Riyaadh ee Boqortooyada Sucudi Carabiya ayaa waxaa ka dhacaya shirka 29aad ee ururka jaamacada carabta, waxaana halkaasi horay u sii gaaray wasaiiro ka socda wadamada ku mideysan ururkaan jaamacada Carabta, kuwaas oo yeeshay shir gogol xaal u ahaa midka hogaamiyaasha Jaamacada carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la rajeynayaa inuu kulamo la qaato qaar Kamid ah Madaxda dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacada Carabta ee Shirkaan ka qeyb galaya wuxuuna kala hadli doonaa xiriirka kala dhaxeeya soomaliya iyo sidii loo adkeyn lahaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda sacuudiga ay bilaabeyso dadaalo ku aadan sidii ay isugu keeni leheyd Madaxda Somaliya iyo Imaaraatka Carabta oo markan xiriirkooda lagu tilmaamay inuu marayo halkii ugu xumeyd.

Aintaani ayaa timid kagadaal markii Axadii ina dhaaftay lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Boorsooyin ay ku jireen 9.6 Milyan oo Doolar, Lacagtaas oo leheyd Safaaraa Imaaraatka Carabta iyadoona markii dambe  lagu shubay bankiga Dhexeee soomaliya.

Imaaraatka carabta ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in lacagahaasi ay ahaayeen Mushaaraadka Ciidamada Dowladda iyo kuwa bada Puntland oo ay gacanta ku hayaan.