Muqdisho-KNN-Maxamed Cabdullahi Farmaajo madaxweynaha dowladda soomaaliya ayaa magaalada makka almukarama waxaa uu ka wadaa shirar gooni gooni ah uu la qaadanayo madaxda ka qeyb galaya shir madaxeedka ururka Iskaashiga Islaamka ee ka socda Sacuudi Carabiya.
Madaxdan ayaa lagu sheegay inuu madaxweyne Farmaajo kala hadli doono sidii taageero dheeraad ah loo siin lahaa dowladda soomaaliya iyo shacabkeeda maadaama haatan dowladda ay waddo dib u dhiska dalka iyo la dagaalanka waxyaabaha loogu yeero argagixisada.
Xalay ayay aheyd markii madaxweyne Farmaajo uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxa Golaha Milatariga Kumeel Gaarka ah ee Suudaan Sarreeye Guud Cabdulfataax al-Burhan iyo Ra’iisul Wasaaraha Qadar Sheekh Cabdullaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al Thani.
Masuuliyiintan ayaa la sheegay inay ballan qaadeen sidii ay u taageeri lahaayeen dowladda soomaaliya.