Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay taliyaasha ciidamada Nabadsugida, Booliska, Meliteriga, iyo Asluubta waxaana kulankaasi looga hadlay arimo dhowr ah.
Madaxweynaha ayaa taliyaasha ka hadlay sugida amniga iyo sida ay u maareyn la haayeen xiisada siyaasadeed ee taagan, taas oo ka dhalatay Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiye Jawaari.
Kulankaan ayaa imaanaya xili maalmihii dambe qeybaha kala duwan ciidamada Dowlada lagu eedeeynayay in ay ku milmeen xiisada siyaasadeed ee taagan.