Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo la guddoonsiiyay abaalmarin Caalami ah

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa waxaa la guddoonsiiyay Abaalmarinta Sanadlaha ah ee Hoggaaminta Wanaagsan ee lagu magacaabo Concardia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa abaalmarintan la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eriteriya Mudane Isaias Afwerki.

 Waxaa ay ku mutaysteen abaalmarinta kaalintii ay saddexdan  hoggaamiye ka qaateen ,nabadaynta iyo is dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Abaalmarintan Concardia ayaa ah abaalmarin sanadle ah taas oo sannad kasta la guddoonsiiyo hoggaamiyeyaasha Caalamka, kuwooda ku guulaysta shuuradaha bixinta abaalmarintan.