Sida uu baahiyay Tv,ga Al-Jasiira ee fadhigiisu yahay dalka Qatar Hotelkii la weeraray ee Naasa Hablood 2 waxaa ka socday shir lagu diyaarinayay qorshe dagaal oo ka dhan ah Al-Shabab.
Shirkaas waxaa ka qeyb galayay mas’uuliyiin heer gobol ah iyo saraakiil ciidan waxaana wararku sheegayaan in hotelka uu ku wajahnaa M/weynaha Soomaaliya Max’ed C/laahi Farmaajo.
Warkaan waxaa lagu sheegay in M/weynuhu uu hotelka ku wajahnaa xilliga maqribka laakiin ka hor waxaaba dhacay qaraxa iyo weerarka is xigay.
M/weynaha waxaa uu hotelka ku qaabili lahaa madaxda maamul goboleedyada ee qaarkood shalay Muqdisho yimid sida ay sheegayaan wararka qaar ee warbaahintu ka qorayaan weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wariye ka tirsan Al-Jasiira ayaa sheegay in M/weynuhu xilligaas isku diyaarinayay inuu hotelka Nasa hablood tago.
Afhayeen u hadlay Al-Shabab oo la hadlayay Reuters waxaa uu sheegay in sababta ay u weeraren hotelka ay tahay in inta badan ku shiraan mas’uuliyiinta dawlada iyo saraakiisha amaanka.