Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo lagu wado in uu ku dhawaaqo R/wasaare cusub

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu 48saac ee soo socota, uu ku dhawaaqo raysal wasaaraha cusub ee dalka, iyadoo uu gabaabsi yahay, mudada uu xaqa u siinayo madaxweynaha Soomaaliya, soo magacaabista raysal wasaaraha cusub, oo ah muddo 30 cisho ah, taas oo hadda ay ka hadhsan tahay Saddex maalmood oo kaliya.

Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye  ayaa sheegaya, in la filayo in xilkaan loo magacaabo raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo iyo siyaasiyiin lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan, in soo magacaabista raysal wasaaraha cusub kadib, uu madaxweyne Farmaajo uu dadajin doono, in uu horgeeyo Baarlamaanka , maadaama uu gabaabsi ku yahay mudo xileedkiisa.

Inkasta oo ay dhici karto in ay wax iska badalaan xogaha aan helnay, ayaa haddana waxaa la filayaa in madaxweyne Farmaajo uusan dalban doonin mudo kordhin uu ku soo magacaabo raysal wasaare cusub.