Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo maanta khudbad ka jeedinayo Shirka Kambaala.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in maanta uu khudbad ka jeediyo Shirka Africa ee ka socda magaalada Kambaala ee xarunta dalka Uganda.

Shirka oo maanta la soo xirayo ayaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu jeediyo khudbad uu kaga hadlayo Isbadalada ka socda Africa iyo faa’iidada shirkaan u leeyahay Africa.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqday xarumo Ciidan oo ku yaala dalka Uganda, iyo Ciidamo loo tababarayo Soomaaliya, isagoo kulamo la qaatay Saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Uganda.