Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan dalka Eritrea

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Maanta  booqasho saddex maalmood qaadan doonta ku tagaya Magaalada Asmara ee dalka Eritrea, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa Eritrea.

Wasiirka Warfaafinta dalka Eritrea Yamene G Meskel ayaa bartiisa twiterka ku soo qoray in madaxweyne Farmaajo booqasho uu ku tagayo dalkaasi Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu Noqonayaa  Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee taga dalka Eratrea tagga tan iyo markii xuriyada qaadatay dalkaas Eratrea.

Dowladaha Soomaaliya iyo Eratrea ayaa waxaa la sheegaa in xiriir wanaagsan uusan ka dhexeeynin labad dal, balse Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eratrea ayaa hada abuuraya in xiriir ku saabsan dhanka iskaashiga ay yeesheen.

Dadka falanqeeya siyaasada Afrika  ayaa waxaa ay sheegayaan in dowladaha Soomaaliya iyo Eratrea ay kala saxiixan doonaan heshiisyo kala duwan oo ay ka mid tahay Amniga, dhaqaalaha iyo Arimo kale.