Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta waxa uu booqday qaar ka mid ah xarumaha Ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Madaxweynaha oo qeybo ka tirsan Military Soomaaliya salaadii Ciidul Fidriga la dukaday ayaa waxa uu u jeediyay qudbad mahadcelin iyo bogaadin iskugu jirta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Ciidanka Xoogga sidii door muuqda uga qaadan lahaayen ilaalinta sharafta iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed,
Madaxweynaha ayaa Ciidamadii uu maanta la Ciiday iyo guud ahaan Ciidanka Xoogga dalka waxa uu kaga mahadceliyay sida ay ugu dhiiranyihiin dib u soo celinta nabad galiyada Soomaaliya iyo sida maalin iyo habeen ay ugu taaganyihiin difaaca sharafka iyo karaamada umadda Soomaaliyeed.