Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo maanta la filayo in uu ilka si rasmi ah ugu wareejiyo Xasan Shiikh.

Muqdidho-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la filayaa in uu xilka Madaxwaynaha Soomaaliya uu si rasmi ah ugu wareejiyo Xasan Shiikh Maxamuud Madaxwaynaha JFS.

Xasan Shiikh Maxamuud Madaxwaynaha JFS ayaa xilka ku guuleystay 15-ka bishaan kadib Doorashadii Madaxweynaha ee ka dhacday Teendhada Afisyooni waxaa uuna la wareegayaa xilka Madaxwaynaha Soomaaliya 8 malin kadib Doorashadii uu kusoo baxay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta xilka ku wareejinayo Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dalka madaxweyne ka ahaa Shan sanno iyo bilooyin.

Qabanqabadii u danbeeysay ayaa socota, sida aan kasoo xigay mid kamid ah Shaqaalaha Madaxtooyada, waxaana madaxweyne Xassan shiikh maxamuud u bilaabaneysa 4 sanno oo uu dalka madaxweyneka ahaan doono.