Muqdisho-KNN-Gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa kulan waqti badan qaatay ku yeeshay villa soomaaliya madaxweynaha dowladda soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxwenihii hore ee dowladda ku meel gaarka Shariif Sheikh Axmed.
Kulankaan oo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka soomaaliya ay u xaqiijiyeen KNN ayaa waxaa ay sheegeen in labada masuul ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka iyo caadiska xooggan ay ku hayaan xukuumadda soomaaliya siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Masuuliyiinta ayaa isla meel dhigay sidii looga shaqeyn lahaa horumarinta dalka iyo samata bixinta shacabka soomaaliyeed ee la daalaa dhacaya dhibaatooyinka fara badan.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa mar weliba dhaliilo xooggan u jeediya dowladda soomaaliya, iyagoona sheega in xukuumadda soomaaliya ay ka gaabisay wax ka qabashada ammaanka dalka, isku heynta maamul gobaleedyada dalka ka jira iyo inay ku tunteen dastuurka qabyada ah ee dalka u degan.
Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli shalay Shariif Sheikh Axmed uu kulan Ku qabtay Muqdisho uu laga hadlay xaalada uu xilligan marayo dalka.