Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo maanta shir uga qayb galayo Kambaala

Kambaala-KNN-Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Yugaandha waxayna halkaasi uga qayb galayaan shir ku saabasn xaaladda Africa.

Farmaajo ayaa halkaasi uga qayb galaya Shir loogu magac daray Shirka Afrika ee Hadda (Africa Now Conference) waxaana ka qayb galaya hogaamiyaal badan iyo hey’ado Caalami ah.

Madaxda ka qayb galayso Shirkaan ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha martida loo yahay ee Uganda, Koonfur Afrika, Tanzania iyo Kenya, wakiillo ka socda hey’adaha iyo bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo ergooyin kor u dhaafaysa ilaa kun qof.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mudada uu halkaasi ku sugan yahay waxa uu kulama la qaadan doonaa hogaamiyaal shirka ka qayb galaya waxa uuna kala hadli doonaa Xaaaladda Soomaaliya.