Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo maanta tagaya Afgooye

Afgooye-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu maanta gaarayo magaalada Afgooye.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Ciidamo kale oo watta Eeyo taba baran ay howgalo Saaki ay ka wadaan Xaafdaha magaalada Afgooye gaar ahaan dhanka galbeed ee magaalada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay ka soo laabtay Booqasho seddax Cisho qaadatay oo u tagay dalka Eretariya.