Muqdisho-KNN-Saakay ayaa lagu wadaa in xariga uu ka jaro madaweynaha Soomaaliya maxamed cabdullahi farmaajo saldhigii milatari ee turkiga uu ka dhisay xaafada jaziira ee degnmada wadajir ee gobalka banaadir.
Saldhigan milatari ayaa dhismahiisa waxa uu qaatay muddo 2 sano ku dhawaad ah, kaasi oo markiisa hore uu dhagax dhigay madaxweyanaha dalka turkiga rejab dayip ordegan.
Saldhigan ayaa la sheegay in tababar ay ku qaadan doonaan ilaa 2,000 oo askari soomali ah markiiba.
Sababta uu u soo gaaray maalinimadii shalay ahayd taliyaha xooga ciidamada ee dalka turkliga Hulusi Akar ee magaalada muqdisho ayaa qeyb ka ahayd furitaanka xeradaan tababarka militiriga ah, waaana Saldhigii ugu weynaa abid ee turkiga ka dhiso qaarada afrika.
Qorshaha furitaankan ee saldhigaan milatari uu ka dhisay turkiga xaafada jazeera ee degmada wadajir ayaa ah in si wada jir ah ay xariga uga jaran madaxweyanaha dalka turkiga iyo madaxweyne maxamed cabdullahi farmaajo.
Balse lama oga sababta ka dambeysa oo kali ugu noqday xariga ka jarka salkdhiga milatari ee jazeera madaxweyne maxamed cabdullahi farmaajo.