Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddi loo xilsaaray Wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland

Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Dhab u heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Madaxwaynaha ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddiga,, halka Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka, xubanaha kale ee guddiga ayaa kala ah:

1.  Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow).

2. Cali Siciid Fiqi.

3. S/Guuto Axmed Jaamac Muuse.

4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli).

Guddigaas ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay in xal waara ka keenaan tabashooyinka Xukuumadda Soomaaliland, si looga mira dhaliyabaa lagu yiri qoraalka wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Farmaajo ayaa lagu qeexay xilka iyo waajibaadka saaran Guddiga uu magacaabay, kuwaas oo kala ah:

1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland.

2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan.

3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan.

4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada.

5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.