Balanbale-KNN-Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hadda gaaray Deegaanka Balanbale ee Gobolka Galgaduud waxaana Deegaanka ka soconaya soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminaayo.
Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Mas`uuliyiinta iyo waxgaradka Deegaanka Balanbale, booqashadaan ayaa noqoneysa midii ugu horeysay oo Maadxweyne Soomaaliyeed oo ku tago Deegaankaas Balanbale kadib Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre Allaha unaxariistee maantana waxaa Deegaankaas gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
booqashaadan Balanbale ee Madaxweynaha ayaa ka dib wuxuu usii gudbi doonaa Deegaanka Xeraale iyo Degmada Caabudwaaq iyo Deegaano kale oo ka tirsan Deegaanada Maamulka Galmudug uu ka arimiyo halkaas oo lagu soo gaba gabeen doono socdaalka Nabada ee Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku marayo qeybo ka mid ah Gobolda Dalka.