Madaxweyne Farmaajo oo garoon ugu magac daray Eng Yariisow
Muqdisho-KNN-Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka dhacay Isu soo bax weyn oo loogu duceynayay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) oo todobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Doxa ee dalka Qatar.
Isu soo baxan ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya sida Madaxweyne Farmaajo, R/Wasaare Kheyre, gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ,kuwa gobolka Banaadir iyo shacab ka kala yimid 17 degmooyinka gobolka Banaadir.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer ayaa waxaa uu kaga hadlay wax qabadka Gudoomiyihii gobolka Banaadir iyo xubnihii kale ee la geeriyooday, iyadoo sidoo kale halkaasi loogu duceeyay dhammaan marxuumiinta.
Waxaa uu sheegay Madaxweyne farmaajo in garoonka kubadda cagta ee Istaadiyow Koonis laga badelay magacii hore, islamarkaana loogu magac daray duqii hore ee Muqdisho marxuum Eng Yariisow.