Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo New York kula kulmay Antonio Gutteres

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadahaddalo waxaa uu kula yeeshay magaalada New York ee dalka Mareykanka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay Magalada New York ee dalka Mareykanka u joogaan ka qeyb-galka Shirka 74aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay,kaas oo sidoo kale ay goobjoog ka yihiin Madaxda wadamo badan oo Caalamka ah.

Qaramada Midoobay waxay kaalin mug leh ka qaadaneysaa dhismaha iyo xoojinta ee hay’adaha dowladda, waxaana rajaynaynaa in wada shaqeyntaas lasii dardargeliyo ayuu yiri” Antonio Gutteres.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya uu kulan la qaatay masuuliyiin ay ka mid yhihiin  ,Madaxweynaha Turkiga,Madaxweynaha Mareykanka, Xubno ka socday Bangiga Aduunka iyo Madax kale.