Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo New York kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Madaxwaynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa intii lagu guda jiray Shirka 74-aad ee Qaramada Midoobay, waxaa uu wada hadal kula yeeshay magaalada New York Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Labada Madaxwayne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargalin lahaa iskaashiga saaxiibtinimo eek a dhaxeeya labada dal.

Sidooo kale Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo wuxuu magaalada New York kula kulmay Madax ka socota dalaka Caalamka, kuwaas oo ka qayb galay shirka Qamada Midoobay.