Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo Qaahira kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan  Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa kulan laqaatay Madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan.

Cabdiqaasim  ayaa oo muujiyay sida uu uga xunyahay in soomaaliya ay wali dhex maquuraneyso dhibaatooyinkii iyo bur burkii ay kusoo jirtay mudo dheer ayaa shacabka iyo siyaasiyiintooda  mucaaradka ah ugu baaqay in ay garab istaagaan Dowladooda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan oo soo hadal qaaday dhibaatada  shacabka Soomaaliyeed ka soo wajaheysa dhanka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay caqabad weyn kuyihiin amni iyo horumaro ka hana qaada gayiga Soomaaliyeed, isagoo ku taliyay in isku duubni oo kaliya looga gudbi karo.

Madaxweyne Farmaajo waa markii labaad oo uu Qaahira kula kulmo Cabdiqaasim Salaad Xassan Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya oo Dalka Masar ku noolaa mudooyinkii danbe.